Madaxweyne  Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa La kulamay masuuliyiin ka kala socday Qaramada midoobay iyo Midowga Afrika oo ay kala hogaaminayeen Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo loo xilsaaray ka shaqeynta arimaha dhaqaalo u raadinta Howlgalka Amisom ee somaliya.

Masuuliyiintan ka socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika  ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo dadaalada dib u heshiisiita uu dalka ka wado iyagoo soo dhaweeyey talaabadii uu qaaday xalinta qilaafka Baarlamanka soomaaliya, waxaana ay muujyeen sida ay beesha caalamka uga go’antahay garab istaaga Soomaaliya.

Kulanka oo ay goobjoog kaa ahaayeen danjirayaasah gaarka ee Qaramada midoobay iyo Midowaga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya M.Keting  Francisco Madeira ayuu madaxweyne Farmaajo waxa uu kaga hadlay ahmiyada Dhismaha Ciidanka u leeyihiin Dowlada uu hogaaminayo oo uu sheegay madaxweynuhu inu gacanta ku hayo dib u habeynta Ciidamada qalabka sida oo uu xusay Madaxweyne Farmaajo inuu ku rajo weynyahay  inay ku filnaan doonaan Amniga dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta Ciidanka Amisom ee ay Sida wada jirka uga shaqeenayaan Midowaga afrika iyo Qaramada Midoobay lagu daro in si la mid ah ay ciidanka Soomaaliya loogu helo dhaqaalo u suuragaliya inay ku filnaadana masuuliyada Amniga dalkooda.

Kulankan Ayaa sidoo kale lagaga hadlay arimaha dib u heshiisnta,tayeenta ciidanka  iyo ladagaalanka Arga gaxisada ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa Uu ka hadlay qorshaha ay dowlada soomaliya Ee ku aadan la dagaalanka aragaxisada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga