Gudoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan Ayaa Sheegay In Ciidamo Iyo Tikniko Ay Ku Jiraan Kaarayaal Ay Soomaaliya Soo Dhoobtay Xadka Somaliland, Waxaanu Golaha Ku Wargaliyey Inay Taageeraan Hadalka Madaxweyne Muuse Biixi Ee Ka Dhanka Ah Soomaaliya.

Golaha Guurtidda Ayaa Cod Gacan Taag Ah Ku Meel Mariyey In La Taageero Difaaca Qaranimadda Somaliland,Isla Markaana Weerar Kasta Oo Kaga Yimaadda Soomaaliya Mar Walba La Saftaan Madaxweynaha Somaliland.

Sidaas Waxa Uu Ka Sheegay Kalfadhigii Maanta Oo Lagaga Hadlayey Arrimaha Soomaaliya Iyo Ciidamo La Sheegay In La Soo Dhoobay Xadka Somaliland La Wadaagto Maamulka Puntland Ee Soomaaliya.

Golaha Guurtida Waxa Saaka Soo Xaadirey 46 Mudane Oo Ka Mid Ah 82 Mudane Ee Golahaasi Ka Kooban Yahay, Waxaana Cod Gacan Taag Ah Ku Taageereen Hadaladda Madaxweynuhu Ku Dhaliilayo Soomaaliya Iyo Difaaca Somaliland, Waxaana U Codeeyey 44 Mudane, Hal Mudanena Wuu Ka aamusay, Gudoomiyuhuna Ma Codeyn.

Gudoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud aadan Oo Ka Hadlaya Soomaaliya Waxa Uu Yidhi “Gardaradii Iyo Daandaasigii Soomaaliya Somaliland Ku Heysay Wali Wuu Socdaa Gardaradaasina Waxaa Aynu U Arkeynaa Inay Horumarkeena Iyo Nolosheena Uun Ay Wali Hortaagan Yihiin, Waayo Waxaan Horumarka Dalkeena Aheyn Oo Aynu Qabanay Ma Jiro, Wax Lura Oo Aynu Iyaga Ku Heynaana Ma Jiro, Intaas Waynu U Ducaynaa In Ilaahay Timaha U Kala Furfuro.”

Gudoomiyaha Guurtidda ayaa sheegay in ciidamo cusub oo gaadiid cusub wata la keenay xuduuda Somaliland, waxaanay ciidankaasi iyo gaadiidkaasi cusuba ku eedeeyeen Soomaaliya oo farogalinaysa Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Ayaa Mudooyinkii U Dambeeyey Shirar Gaar Gaar Ah La Lahaa Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Iyo Guurtidda Iyo Waliba Labadda Xisbi Mucaarad, Wallow Doorkii U Dambeeyey Aanu Ka Soo Xaadirin Xisbiga Waddani, Waxaanu Madaxweynuhu Shirarkaasi Uu La Lahaa Shirgudoonka Iyo Xisbiyada Mucaaradka Ku Wargalinayey Arrimo Uu Sheegay Inay Ka Soo Cusboonaadeen Soomaaliya Oo Uu Ku Eedeeyey Inay Farogalin Ku Hayso Somaliland, Taasina Waxay Keentay In Shalay Markii Madaxweynuhu Hadlayey Uu Ka Hadlayey Arrimaha Soomaaliya Isku Hayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga