Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jogn Un iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa hadiyad ahaan loo siiyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan daroonta iyo jaakad aanay rasaastu karin, kadib markii uu dalka Ruushka ku tegay booqasho ay reer galbeedku walaac xoogan ka muujiyeen.

Sida ay faafisay wakaalada wararka dalka Ruushka ee Tass, Badhasaabka Gobolka Primorye oo ku yaala xadka dalka Ruushku la wadaago dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha ayaa hadiyadahan gudoonsiiyey hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, iyadoo arrintaasina noqotay mid si weyn u soo jiidatay indhaha caalamka.

Hadiyadaha kala duwan ee la siiyey hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi waxa ka mid ah  shan diyaaradood oo daroon ah oo ah nooca qaraxyada sameeya iyo diyaarad kale oo daroon ah oo nooceedu yahay kuwa wax basaasa, isla markaana soo ururiya xogaha xuuraanta iyo sirdoonada, halka sidoo kale  siiyey jaakad aanay xabbadu karin.

Safarkan uu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku tegay dalka Ruushka oo noqonaya kii ugu horeeyey ee dalkiisa dibadda uga baxo tan iyo wixii ka dambeeyey xayiraadihii Covid-19, ayaa sababay inuu walaac ku abuuro dalalka reer galbeedka ee uu Maraykanku hormuudka u yahay, iyagoo ka cabsi qaba in Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya is-dhaafsadaan heshiisyo dhinaca hubka ah, waxayna si gaar ah uga cabsi qabaan in dalka Waqooyiga Kuuriya uu hubka noocyadiisa kala duwan siiyo Ruushka si uu ugu adeegsado dagaalka Ukraine.

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo intii uu joogay kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaasi Vladimir Putin ayaa la sheegay inay ka wadahadleen sidii ay labada dal u yeelan lahaayeen iskaashiyo dhinacyo kala duwan ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga