Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan ballaadhan qasriga Madaxtooyada kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dalka.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is xog-waraysi la xidhiidha hawlaha baaxadda leh ee ay agaasimeyaashu Qaranka u hayaan iyo sii dardargelinta shaqooyinka agaasimeyaasha guud, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii laban-laabi lahaa hawlaha muhiimka ah ee ay agaasimeyaasha guud qaranka iyo bulshadaba u hayaan.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu agaasimeyaasha guud ku bogaadiyey hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay u yihiin mishiinka dhaqaajiya dhammaanba hawlaha ka dhex socda hay’adaha ay masuuliyiintani ka socdaan,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga