Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilalkii kaga qaaday qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ku macaabay masuuliyiin cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cabdirisaaq Maxamed Siciid Gees,

        Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkiga.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

2. Ku: Maxamed Cali Axmed;

        Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland 

Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkey iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilkii hore ee dalka Ethiopia, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkiga.

2. In Cumar Cali Cabdillaahi Bade laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya,” ayaa lagu yidhi wareegtada Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga