Madaxweynaha maamul gobolledka Galmudug  Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa  oo qoraal uu  soo saaray,  waxaa uu ku  sheegay in uu dib ula soo  noqday mas’uuliyadii Galmudug oo sida uu hadalka u dhigay bishii July uu ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka Soomaaliya.

Xaaf ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay ka dib markii uu ogaaday in dowladdu ku fashilantay muddo saddex bilood ah in natiijo la taaban karo ay  ka gaadho  arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha  maamul Galmudug leedahay oo  loo dhan yahay

Isla markaana waxaa uu   sheegay in uu sii degdeg ah uu soo magacaabi doono guddiyo ka shaqeeya arrimaha dib-u-heshiisiinta, doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Galmudug

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga