Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay maalintii Axad ahayd, inaanu Maraykanku bixin doonin kharashka lagu ilaalinayo amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan, haddii ay usoo wareegaan Maraykanka, balse Harry iyo Meghan ayaa sheegay inaanay cidna caawimo waydiisan.

‘’Anigu waxaan ahay saaxiib wayn iyo qof jecel boqorradda boqortooyada midowday, waxaa lasoo werinayaa in Harry iyo Meghan, oo ka tegay boqortooyadu, ay si rasmi ah u degayaan Kanada.

Imika way ka tageen Kanada oo Maraykanka ayay yimaadeen, siday doonto ha ahaatee Maraykanku ma bixin doono kharashka ku baxaya ammaankooda ayuu ku yidhi qoraal uu Twitter-ka soo geliyay madaxwayne Trump.

Afhayeen u hadlay Duke-ga iyo Duchess-ka Sussex, ayaa telefishanka CNN u sheega in aanay qorshaha ugu jirin inay waydiistaan dawladda Maraykanka kharashka ku baxaya ammaankooda, balse ay si gaar ah u habaysan doonaan shirkad madax bannaan oo qaabilsan ammaankooda.

Waxay ahayd bishii January, markii Harry iyo Meghan, ay shaaciyeen go’aankooda ay dib uga joogsanayaan nolosha boqortooyada, iyagoo door biday madax-bannaanidooda dhaqaale.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga