Dalka Maraykanka tirada dadka u dhintay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus ayaa gaadhay 3000 oo qof habeenimadii Isniinta, sida ay tilmaamayso xog ururintii ugu danbaysay.

Maraykanka ayaa u muuqda in uu noqonayo dhibanaha saddexaad ee caabuqan aduunka khalkhalka galiyay, waxaana dhanka dhimahsada ka horeeya wadamada Talyaaniga iyo Isbaanishka.

Dad ka badan 160,000 oo qof ayuu xanuunku haleelay gudaha Maraykanka, waa waddanka ugu kisaska badan caalamka oo dhan.

Wali khubarada caafimaadka ayaa ku hawlan daawada caabuqan, balse fiditaankiisa ayaa xawli ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga