Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ”Qoorqoor”, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka uu maray ku tegay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa, ayaa magaalada Galkacyo waxaa si ballaadhan ugu soo dhaweeyey maamulka iyo shacabka Degmadda iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug, iyadoo safarka Madaxwayne Qoorqoorna lagu sheegay inuu la xidhiidho kormeerka hawlaha maamulka iyo wadatashi, kuwaas oo uu la yeelanayo qaybaha bulshada.

Waxaa kale oo la filayaa in madaxwayne Qoorqoor uu tababar usoo xidhi doona qaar kamid ah daraawiishta Galmudug iyadoo ay weftigiisa ku weheliyaan xubno kamid ah golihiisa wasiirrada.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga