Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay danjirayaasha wadamada shisheeye u fadhiya Soomaaliya, oo ay wehelinayaan safiirada Midawga Yurub, Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Maxamed Xuseen Rooble, oo ay weheliyaan ku simaha raysalwasaare ku xigeenka iyo ku simaha wasiirka arimaha dibadda, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiiradan, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sidii uu raysalwasaaraha cusubi u dhaqaajin lahaa hawlaha hor yaala.

Labada dhinac ayaa isla qaatay sidii ay u wada yeelan lahaayeen wada shaqayn joogto ah, iskana kaashan lahaayeen hawlaha ka dhaxeeya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga