Warar uu helay Saab TV, ayaa sheegay in madaxwayne-ku-xigeenka Puntland, Axmed-karaash uu u dallacsiiyay derejada ”Gaashaanle”, taliyaha saldhigga galbeedka ee magaalada Garowe, ninkaas oo magaciisa layidhaa Bashiir Cismaan Cawad, oo hore u ahaa ”Kabtan”.

Gaashaanle Bashiir, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo uu kaga warramayo sidii uu u qaaday xanuunka HIV, kaasoo ay qaadsiisay sida uu sheegay xaas uu guursada.

Wuxuu dhiirrigeliyaa bulshada la nool xanuunkan, isagoo sidoo kale wacyigeliya bulshada kale ee ka badqabta, maanta ayay ku beegnayd, maalinta la xuso xanuunkan HIV/AIDS, iyadoo dadka laga wacyigeliyo sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen, iyo sidii aan loo takoori lahayn dadka la nool.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga