Wareegto madaxwayne, oo maanta laga soo saaray aqalka madaxtooyada Somaliland, ayaa u dhignayd sida tan:
Wareegto Madaxweyne
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;

Ku: Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin)
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cismaan Aadan Jaamac
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

[Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.

7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka.

Dad badan ayaa madaxwayne Muuse Biixi Cabdi hore ugu dhaliilay, inaanay xukuumaddiisu ahayn mid tayo lagu soo xushay, taasoo aan ka turjumayn waa sida ay hadalka u dhigeene matalaadda shacabka Somaliland.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga