Madaxweynaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa  oo soo gebagabeeyay, shirka dibu heshiisiinta beelaha Galmudug, isagoo madaxwaynuhu ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug.

Waxaana uu aad uu ammaanay waxgaradka iyo haldoorka iyo waliba guud ahaan bulshada ku nool  deegaannada Galmudug oo uu sheegay in ay muujiyeen biseyl siyaasadeed.

Sidoo kalena madaxweyanha ayaa uu  ballanqaaday shacabka reer Galmudug in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay taageero joogto ah iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda iyo horumarka ay hiigsanayaan.

Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa  ugu baaqay guud ahaan bulshada reer Galmudug in ay u midoban mideynta beelaha ku wada nool deegannada  Galmudug.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga