Maanta oo Salaasa ah ayaa la filayaa in lasoo af-jaro Shirka Maalgashiga ee Maamulka Puntland oo sadexdii maalmood ee tagay ka socday magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulkaas.

Shirkan waxa ka qayb galay ganacsato Soomaali iyo ajaanib iskugu jirtay. Iyadoo sidoo kale ay qayb ka ahaayeen shirkado maalgashi oo danaynaya maalgalin ay ku sameeyaan deegaanada Puntland.

Intii uu shirku socday waxa lagusoo bandhigay qaar ka mid ah fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland, iyadoo halkaas laga jeediyay khudbado kala duwan.

Madaxweynaha Puntland oo shirkan ka hadlayay ayaa yidhi ” Ujeedada ugu weyn ee aan leenahay waa inaan soo bandhigno fursadaha maalgashi ee Puntland ka jira ee kala duwan iyadoo Puntland ay tahay saddex meelood meel Soomaaliya, xeebta 50% ama kala badh-na ay tahay ,khayraad fara badan iyo fursado badanna ay ka jiraan haddana sidaa oo ay tahay ay ka jiraan duruufo dhaqaale oo dadkeeda haysta”

Isbeddellada dhanka ganacsiga iyo awoodda baayac mushtarka Soomaalida oo horumar dhaqaale sameeyey ayaa sida uu madaxweynuhu sheegay dadka Puntland Waxaa looga fadhiyaa in ay maal-qabeenada Soomaalida iyo kuwa shisheeyaha ahba fahansiiyaan fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in hadafka tallabaadani uu yahay maal gelin miisaan leh, shaqo abuur, koboc dhaqaale si loo helo degannaansho amni iyo mid siyaasadeed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga