Faahfaahin dheeraad ayaa kasoo baxaysa dagaal maalintii shalay ahayd ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa alShabab ku dhex maray waddada isku xidha degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid,kadib markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab sida la sheegay ay wadada u galeen Kolonyo ka tirsan ciidamada Militeriga Soomaaliya oo ku safrayay waddada u dhaxeysa degmooyinka jalalaqsi iyo Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid culus labada dhinac isku weydaarsadeen hubka kala duwan oo ay ku jiraan Qoryaha waaweyn sida kuwa garabka laga gano ee [Baasuuke] oo ay adeegsanayeen dagaalyahannada Al-shabaab, Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalku sababay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse ma jirto ilaa iyo hadda cid xaqiijisay tirada rasmiga ah ee khasaaraha. 

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro dhaba-gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa ee AMISOM ee adeegsada jidadka isku xidha degmooyinka ay dowladdu maamusho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga