Warar uu helay Telefishankan caalamiga ah ee SAAB TV, ayaa sheegaya in saaka oo ay bishu tahay 23 Nov. 2019, madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalku, mudane Farmaajo la ballansan yahay qaar kamid ah hoggaanka xisbiyada qaran ee dalka kujira.

Warkan, oo uu Saab TV kasoo xigtay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegaya inaanay illaa hadda caddayn waxa uu madaxwayne Farmaajo kala hadli doono amaba Ajendaha kulankooda, balse kulankan ayaa qabsoomaya sida la qorsheeyay Kadib kulan hore u dhex maray labadii madaxwayne ee kaga horreeyay Kursiga Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo madaxwayne Farmaajo.

Kala soco wararka kasoo kordha Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga