Warar uu helay Saab TV, ayaa sheegay in goordhawayd garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport, ay kusoo degtay diyaarad sidda gargaar bini-aadanimo oo loogu talagalay dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha gobolka Hiiraan.

Warka ayaa sheegay in diyaaraddani ay toos uga timi dalka Talyaaniga, taasoo ka dhigaysa sida ay sheegeen dadka u dhuun daloola arrimaha gargaarka Soomaaliya, inuu yahay gargaarkii ugu horreeyay ee dawlad wayn oo reer Yurub ahi ay Soomaaliya toos ugu wareejiso.

Fatahaadaha, ayaa weli dhib wayn ku haya dadka gobolka Hiiraan iyo nawaaxigiisa.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha ugu dhow ee wararka laga helo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga