Madaxwaynaha maamulka Puntland, mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka dhagaystay guddida ku-meel-gaadhka ah ee doorashooyinka maamulkaasi kulan iskugu yimaadeen, kaasi oo gogol xaadh u ahaa in maamulkaasi uu ka guuro habka cod-bixinta ee golaha wakiillada isla markaana la gaadho cod-bixin qof iyo cod ah.

Madaxwayne Deni, ayaa ku bogaadiyay guddida-ku-meel gaadhka ah ee doorashada Puntland hawsha ay hayaan.

Mr. Deni waxa uu sheegay inay ka go’antahay hirgelinta nidaamka axsaabta badan, isla mar ahaantaana ay ka go’antahay is garab-taagga guddidaasi iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanidooda.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga