Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo, ayaa duulimaad si toos ah uga soo duulay Israa’iil kaasi oo aan kala go’ lahayn ku tegay dalka Suudaan.
Duulimaadka Pompeo, ayaa ah kii ugu horreeyay noociisa ee u kala goosha Israa’iil iyo Suudaan, waxaana la filayaa inuu madaxda dalkaasi Suudaan oo ay ugu horreeyaan raysal-wasaaraha dalkaasi iyo hoggaanka ciidamada Suudaan kala hadlo arrimo ay kamid yihiin dhisidda dawlad-rayid ah iyo sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka Suudaan iyo Israa’iil.
Hore Suudaan waxay u caydhisay, afhayeenkii wasaaradda arrimaha dibadda dalkeeda, kadib markii uu soo dhaweeyay xidhiidhka Imaaraadka iyo Israa’iil oo uu ku tilmaamay ”tallaabo geesinimo leh”.
Maraykanka ayaa waday qorsheyaal uu ku doonayo inuu ku hagaajiyo xidhiidhka Israa’iil iyo dalalka Carbeed.
Wararkii ugu dabeeyay kala soco Saab TV.