Dawladaha Turkiga iyo Giriigga ayaa maanta ku wada dhawaaqay dhoollatus Militari oo ay ka samaynayaan jasiiradda Crete.

Dhoolatuska labadan dal ee ka wada tirsan gaashaan buurta NATO, ayaa imanaya kadib markii uu Turkigu ku dhawaaqay helista kayd ballaadhan oo ah dhanka saliidda iyo gaasta, isla markaana uu sii ballaadhin doono, arrintaasi oo uu Giriiggu u arko sharci darro.

Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka ayaa door dhexdhexaadin ah ka dhex bilaabaya labada dhinac, isagoo booqan doona caasimadaha Athens iyo Ankara, halkaasi oo uu kula kulmi doono wasiirrada arrimaha dibadda dalalkaasi.

Ma aha markii ugu horraysay ee ay labadan dal isku khilaafaan dhanka badda, Turkiga ayaa July-dii sannadkan digniin uu u diray maraakiib Giriigga laga leeyahay, waxa ay sababtay in heegan sare la geliyo ciidanka dalkaasi Giriigga.

Khilaafkooda ayaa salka ku haya saliidda iyo gaasta badda Mediterreanean-ka.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga