Recep Tayyip Erdogan madaxwaynaha dalka Turkiga ayaa waxa uu ugu baaqay in dawladda Suuriya ay  ciidamadeeda kala baxdo goobaha kormeerka militari ee gobolka dhaca waqooyiga-galbeed dalka Suuriya ee Idlib, bartaas oo ay iskudhacyo waawayni ka dhaceen maalmihii ugu dambeeyay.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayipp Erdogan ayaa waxaa waxaa uu u sheegay qolyo kamid ah xisbigiisa AKP in lama goobood oo kamid ah 12 goobood oo kamid ah goobaha kormeerka ay ka dambeeyaan khadadka taliska ciidamada Suuriya, isagoo madaxwayne Erdogan rajeeyay inay Suuriya kala baxdo ciidankeeda.

Erdogan ayaa sheegay in haddii ay Suuriya kala bixi waydo ciidamadeeda, ay iyagu gacmahooda wax uga qaban doonaan.

Siddeed askari oo Turki iyo shacabba iskugu jira ahaa ayaa Isniintii lagu dilay magaalada Idlib kadib rasaas ka timid ciidamada Syria.

Turkiga, ayaa jawaab uu ka bixiyay waxa uu  ku dilay ugu yaraan 13 askari oo Suuriyaan ahaa sida ay sheegeen kooxaha la socda dagaalka Suuriya.

Madaxweyne Erdogan ayaa Ruushka oo ah dalka ugu weyn ee taageera rijiimka dalka Suuriya ka arrimiya ee  Bashar Al-Assad, ku dhalleeceeyey inay ku guul-darreystay inuu nabad ka dhaqan-geliyo gobolka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga