Madaxweynaha waddanka Maraykanka ayaa ka badbaaday xil ka qaadis lagu samayn lahaa, kadib in muddo ah oo loo fadhiyay dacwado ka dhan ah isaga.

Aqalka sare ee Sennedka Maraykanka ayaa laalay dacwaddii loo haystay, iyagoo bari yeelay madaxweyne Donald Trump oo in muddo ah wadnaha farta ku hayay. Xisbiga uu kasoo jeedo Trump ee Jamhuuriga ayaa ku xoogan aqalka odayaasha, sidaa darteedna waxay diideen in ay dhagaystaan dhammaan markhaatiyaashii kiisaska loo haystay, oo ay ka mid ahaayeen in uu ku xadgudbay awoodda madaxtinimada iyo cadaalada oo uu ku gefay.

Xildhibaano dhan 52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen. 53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga