Madaxwaynaha Tansaaniya ayaa yaalla cisbitaal ku yaalla magaalada Nayroobi, madaxwaynuhu wuxuu la il-daran yahay xanuunka Covid-19, xaaladdiisu waa mid liidata haddeer.
Da’diisu waa 61 jir, weligii muu xidhan ”Af-san-saab”, mar walbana wuu dafiri jiray, isagoo dadka ugu baaqi jiray inay ”Allahood” baryaan, waxaana u geeryooday xanuunkan mid kamid ah kaaliyeyaashiisii ugu dhowaa.
Tansaaniya ayaa diidday inay iibsato tallaalka Covid-19, illaa bishii May dalkaasi lagama sheegin warbixinaha Covid-19, waxaana madaxwaynaha Nayroobi loola cararaay habeenimadii Isniinta.
Dawladdu waxay ka digaysaa faafinta warar been abuur ah, waxaana wararkan warbaahinta caalamiga ah u sheegay hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi.
KALA SOCO SAAB TV WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga