Waa tallaabadii ugu dabaysay ee Shiinuhu uu ku rabo in uu kusii xoojiyo awoodda uu ku leeyahay Hong Kong isagoo cambaarayn wayn kala kulmaya duida galbeedka oo kasoo hor jeeda in uu faro galiyo Hong Kong.

Baarlamanka Shiinaha ayaa meel mariyay sharcio dhigaya in xukuumadda Beijing ay maamusho doorashooyinka Hong Kong, arintaas oo wiiqaysa madx banaanida magaaladan.

Shiinaha ayaa raba in uu yareeyo dimuqraadiyada ka jirtay jsiirada, iyadoo la rabo in murashaxiinta Shiinaha u janjeedha lagusoo saaro doorashooyinka.

Waxa la filayaa in bilaha soo socda laga dhaqan galiyo sharcigan Hong Kong taas oo ka dhigan in dadka sida madaxa banaan u tartamaya ama kasoo hor jeeda saiyaasadaha SHiinuhu ay ku adkaan doonto in ay kasoo muuqdaan hoggaanka gobolka Hong Kong.

Dalka Shiinaha ayaa Hong Kong keenay sharci dibad baxyo waawayn laga dhigay oo dhanka ammaanka ahaa kaas oo ciidamada Shiinaha u ogolaanayay gudaha gobolka.

Intaa wixii ka danbeeyay, shiinaha oo baaqyada dibadda iska dhego tirayay ayaa sii waday in uu kordhiyo qorshayaashiisa si buuxda gacanta ugu galinaya Hong Kong.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga