Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay magaalada wax-soosaarka qaniga ku ah ee Jawhar oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe sannadkii 1939-kii, wuxuu ahaa ganacsade iyo siyaasi caan ka ahaa gudaha Soomaaliya.

Cali Mahdi wuxuu soo noqday madaxwaynaha Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 1991-kii illaa 1997-kii, heshiiskii magaalada Qaahira ayaa dib loogu cumaamaday mar kale illaa uu bedelay madaxwayne Cabdiqaasin Salaad sannadkii 2000, shirkii lagu qabtay dalka jamhuuriyadda Jabbuuti.

Allah ha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed, ayaa si wayn loogu xasuustaa xilligiisii oo ay dalka Soomaaliya la wareegeen jabhadaha hubaysan, iyagoo ku khasbay madaxwaynihii muddada dheer ka talinayay Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre inuu ka baxsado magaalada Muqdisho.

Jabhaddii uu hoggaaminayay Gen. Maxamed Faarax Caydiid ee USC, United Somali Congress, ayaa qaaddacday madaxwaynenimada Cali Mahdi, taas oo sababtay in aan maamuulkiisu noqon hana-qaad, isla markaana sababtay iska hor yimaadyo ay ku naf-waayeen Soomaali aad u tiro badan.

Muddooyinkii ugu dambeeyay Cali Mahdi ayaa marar badan kasoo muuqday warbaahinta, markaasi oo uu ka qayb-galayay shirar lagu qabtay Muqdisho iyo waraysiyo uu warbaahinta siinayay, iyadoo si wayn baraha bulshada loogu faafiyay weedho uu sheegay.

Warka geerida madaxwaynihii 4aad ee Soomaali Cali Mahdi, ayaa soo baxay goordhawayd, iyadoo qaar kamid ah ehelkiisa iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Madaxwayne Cali Mahdi ayaa ku geeryooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kiiniya, inkasta oo aan sababta geeridiisa si rasmi ah loo shaacin, ayaa ilo-xogogaal ahi waxay Saab TV u sheegeen, inuu maalmihii lasoo dhaafay ku bukay halkaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga