Taiwan iyo Somaliland waxay ka faa’iideysan doonaan iskaashigooda laba geesoodka ah siyaabo xoojinaya isla markaana ku kala duwanaan kara horumarkooda, iyadoo la tixgelinayo goobaha istiraatiijiyadeed ayaa tidhi Madaxweynaha dalka Taiwan Tsai Ing-wen (蔡英文).

Magacaabista wakiilkii ugu horeeyey ee Somaliland u qaabilsan Taiwan Mohamed Hagi Mohamoud iyo furitaanka xafiisyada wakiilada ee labada dhinac sanadkan waxay astaan ​​u tahay “waa cusub ee xiriirka labada dal,” ayay Tsai tiri, iyadoo ku qaabilay Mohamoud Xafiiska Madaxweynaha ee caasimadda Taipei ku yaalla.

Madaxwaynaha Taiwan waxay xustay ahmiyadda istaraatiji ee barta ay Somaliland kaga taal adduunka iyo guulaha muuqada ee ay kasoo hoysay dhanka Dimuquraadiyadda.

Dhanka kale wakiilka Somaliland ee Taiwan, Maxamed Cumar Xaaji  Maxamuud, wuxuu sheegay in dalkiisa Somaliland iyo Taiwan ay wadaagaan qiyam dimoqraadiyadeed ‘’ taariikhi ah iyo istiraatiijiyad,” maadaama ay ku guuleysteen “inay ka gudbaan waxa uu ku tilmaamay saameynta xun ee go’doominta aan wanaagsaneyn ee caalamiga ah.”

Maalgashadayaasha Taiwan waa lagu soo dhaweynayaa inay eegaan awooda ganacsi ee qaybaha Somaliland sida isgaarsiinta, dhaqaalaha, dhaqaalaha dhijitaalka ah, kaluumeysiga, beeraha, dhismaha, tamarta kale, macdanta iyo warshadaha adeega, ayuu yidhi wakiilka Somaliand ee Taiwan.

 

Wuxuu sheegay in dalkiisu 30-kii sano ee la soo dhaafay uu ahaa “nalka dimuqraadiyada” isla markaana uu wali sii wado ka qayb qaadashada bulshada caalamka dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo la dagaalanka budhcad badeeda.

 

Somaliland waxa kale oo ay martigelisaa qaxootiga ka imanaya Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo dalal kale, iyada oo la wadaagaysa “culayska maaraynta saamaynta colaadaha adduunka,” waxayna si dhow ula shaqaysaa la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo joojiyo qulqulka sharci darrada ah ee hubka iyo tahriibinta dadka, ayuu yidhi  wakiilka Somaliland ee Tiawan Amb. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud.

Somaliland waxay ku dhawaaqday inay lasoo noqotay madax-bannaanideeda 1991-kii Waxaanay xafiisyo ku leedahay dalal dhawr ah inkasta oo aan weli dalna aqoonsan.

Waxay ahayd

Bishii February ee sannadkan, markii Taiwan iyo Somaliland ay  kala saxiixdeen heshiis lagu dhisayo xafiisyo wakiillo is-dhaafsi ah. Taipei waxay xafiiskeeda ka furatay Somaliland Aug 17, halka Somaliland ay ka furatay xafiiskeeda Taipei 9-kii Sept.

Xidhiidhka laba dhinac ayaa waxaa si wayn u dhaleeceeyay dalalka Shiinaha iyo Soomaaliya, kuwaas oo midi waliba uu sheegay inaan lagu xad-gudbi karin madax-bannaanidiisa dhuleed iyadoo hadallada kasoo yeedha masuuliyiinta dalalkaasina ay Somaliland iyo Taiwan gaashaanka u daruurayeen.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga