Xukuumadda Soomaaliya ayaa qaaday qaar ka mid ah dhagxantii waawaynaa ee lagu xidhay is-goysyo muhiim ah oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Is-goysyada kala ah Jardiinka, Sanca, Bakaaraha, Folorenza iyo kuwo kale ayaa laga qaaday dhagxantii iyo darbiyadii hore loogu jaray waddooyinkaas oo dad aad u badani ay u isticmaali jireen si maalinle ah.

Hore ayay shacabka magaalada Muqdisho uga cawdeen dhagxanta lagu jaray waddooyinka muhiimka ah, kuwaas oo saxmad kusoo kordhiyay magaalada, dadkana ku khasbay in ay masaafo kale socdaan.

Lama oga sababta ay dawladdu xiligan u qaaday darbiyada, iyadoo muddooyinkii danbana la furay waddooyn badan oo kale oo ku yaala qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga