Armeeniya iyo Azerbijaan wali waxay sii wadaan in ay ku dagaalamaan deegaanada xadka ee u dhaxeeya labada waddan, gaar ahaan gobolka Nagorno-Karabakh.

Waa xili ay kala saxeexdeen xabbad-joojin ka dhaqan gasha deegaanada lagu dagaalamayo, balse waxay isku eedaynayaan masuuliyadda weerarada is-daba-jooga ah ee labada dhinac ay qaadayaan.

Azerbijaan waxay sheegtay in ay qaaday duqaymo kadib madaafiic badan oo Armeeniya ay kusoo tuurtay, isla markaana wax yeelo u gaystay magaalooyin ka tirsan Azerbijaan iyo dad shacab ah.

Kadib wada hadal qaatay muddo 10 saacadood ah, labada waddan waxay magaalada Moscow ku saxeexeen xabbad-joojin, iyadoo Ururka Bisha Cas-na uu hor kici doono hawlaha bini aadamtinimada ee Nagorno-Karabakh iyo deegaanada kale ee dagaalka labadii todobaad ee lasoo dhaafay socday uu wax yeeleeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga