Madaxwaynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo xidhay shirka maalgashiga Puntland, madaxwayne Deni, oo khudbad ka jeediyay goobta, ayaa ka warbixiyay shirkan, isagoo sheegay inay dawladda Puntland iyo shacabka reer Puntlandba, ay u tahay sharaf inuu ku soo xidhmo sidii loogu talagay.

 

Madaxwaynaha ayaa xusay in shirkani faa’ido wayn u leeyahay reer Puntland isagoo goobta ammaan uga soo jeediyay qaar kamid ah shirkadihii kasoo qayb galay shirkan.

Madaxwayne Deni, ayaa gebagabadii sheegay inay Puntland soo dhawaynayso maalgashiyada caalamiga isagoo sheegay inay xukuumaddiisu soo dhawaynasyo wax kasta oo Puntland u dan ahaa, halkaasna kusoo xidhay shirkan socday saddexda cisho.

 

Saab TV, Meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto, warar xaqiiqada ku sal leh iyo barnaamijyo xul ah

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga