Madaxweyneyaasha waddamada Turkiga Ruushka iyo Iiran oo kulan ku yeeshay  dalka Turkiga, ayaa ku isku racay in dalka Suuriya loo sameeyo dastuur cusub sii loo soo afjaro dagaalka muddada dheer ka socda dalkaasi.

Waxay sheegeen hogamiyeyaashani,  in la soo  dhisi doono guddi isku dhaf ah, oo mucaradka iyo dawladuba ay ku wada  jiraan ,guddidaas  oo ka shaqayn doonta diyaarinta  dastuurka cusub ee  uu yeelanayo doono  dalka Suuriya.

Waxaa kale oo ay isku raceen in gobolka Idlib, ee mucaradku ay  gacanta ku hayaan in aan wax dagaal ah lagu qaadin isla markaana uu noqdo aag amaan ah oo dagaalka ka caagan.

Madaxweynayaasha dalalka Turkiga ,Ruushka iyo Iiran, ayaa saamayn toos ah ku leh dagaalka ka socda gudaha dalka Suuriya, isla markaana go’aankan ay gadheen ayaa sidoo kale waxaa la filayaa inuu xal uu noqon karo coaladda muddada dheer ka tagaan dalka Suuriya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga