Recep Tayyip Erdogan, madaxwaynaha dalka Turkiga, ayaa la filayaa inuu maalinta khamiista ah booqan doono dalka Ruushka si baa layidhaa uu dhiggiisa dalkaas ugala xaajoodo xaaladda cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan gobolka Idlib.

Xafiiska madaxwayne Erdogan, ayaa sheegay inuu Mr. Erdogan booqasho hal maalin ah ku tegi doono Ruushka marka ay bisha Maarij tahay shan.

Waxay ahayd maalinimadii Axadda, markii uu Turkey-gu bilaabay hawl-gallo Militari oo ku aaddan ciidanka Suuriya, isagoo dhulka soo dhigay laba diyaaradaha dagaalka ah oo ay Suuriya lahayd, arrintaasi, ayaa timi kadib markii diyaarad nooceedu yahay kuwa aanay cidina wadin ee Drone-ta loo yaqaan ay Suuriya Turkiga kasoo ridday.

Ruushka, ayaa taageera ciidamada daacadda ah rijiimka madaxwayne Bashaar-al-Asadka Suuriya, halka uu Turkiguna gacan-saar la leeyahay kooxaha mucaaradka ku ah rijiimka Bashaar Al-Asad ee ka dagaallama gobolka Idlib.

Turkiga ayaa 19 askari ku dilay duqaymo uu fuliyay, iyadoo duqayn lagu eedyay ciidanka Suuriyana lagu dilay 33 askari Turki.

Turkiga, ayaa u muuqda mid ka fogaanaya isku dhac dhex-mara Ruushka, maxaa yeelay waxaa ka dhexeeya xidhiidh diblumaasiyadeed, Militari iyo ganacasiba, waxaana si wayn indhaha loogu hayaa waxa uu madaxwayne Erdogan kala soo laaban doono Moscow.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga