Caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus ayaa wali kusii fidaya qaybo badan oo dunida ah, iyadoo hadda tirada dhimashada ee meelaha ka baxsan Shiinuhu ay sii kordhayaan.

Guud ahaan caalamka, tirada dhimashada ayaa dhaaftay 3000 oo qof, waxaana maanta gudaha Shiinaha ku dhintay 42 qof. 90% dadkan ayaa kasoo jeeda gobolka Hubei ee uu kasoo anqarmay caabuqu.

10 dal oo kale ayay dhimashada xanuunku gaadhay. 50 qof waxay u dhasheen Iran halka 30 kale ay u dhasheen waddanka Talyaaniga.

90,000 oo qof ayay gaadhyaan dadka uu caabuqu haleelay guud ahaan caalamka, iyagoo badi dadkani Shiinaha kasoo jeeda.

Maraykanka, Ingiriiska, K.Kuuriya, Talyaaniga, Iran iyo wadamo kale oo kor u dhaafaya 30-dal ayaa hadda la tacaalaya sidii ay xanuunka u xakamayn lahaayeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga