Kuuriyada Waqooyi ayaa gantay laba gantaal oo aan la aqoonsan noocooda sida uu sheegay militariga Kuuriyada Koonfureed toddobaadyo uun ka dib markii Pyongyang ay ku dhawaaqday hakinta tijaabada gantaalaha riddada dheer.

Labada gantaal, ayaa Isniintii laga riday dhanka bari iyaga oo ka sii tallaabay aagga Wonsan ee xeebta bari, sida ay yidhaahdeen Saraakiisha Ciidamada Militariga ee Kuuriyada Koonfureed.

Bayaan kasoo baxay Militariga Koonfur-Kuuriya ayaa lagu yidhi: ‘’Militarigu wuxuu isha ku hayn doonaa ganidda gantaallo kale, waxaanannu galnay foojignaan sare’’ 

Militariga Koonfurtu waxay sheegeen in gantaalahani ay socdeen 240 Km iyagoo kor u baxay joog dhererkiisu dhan yahay 35 Km amaba 22 Miles.

Kuuriyada waqooyi, ayaa Maraykanka u qabatay xilli kama dambaysa ah heshiiskii dhanka Nuclear-ka, xilli kulamo ay yeesheen madaxwayneyaasha Maraykanka iyo kuuriyada waqooyi aanay ka dhalan is-bedello waawayn.

Kuuriyada waqooyi, ayaa hore u tijaabisay gantaallo 16 jeer ka awood badan middii lagu weeraray magaalada Hiroshima ee dalka Japan dagaalkii labaad ee adduunyada kuwaas oo gaadhi kara dhul-waynaha Maraykanka.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga