Hoggaamiyayaasha Waddamada Qaaradda Afrika Ayaa Ku Qulqulaya Caasimadda Dalka Shiinaha Si Ay Uga Qayb Galaan, Shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Ee Wadaddama Qaaradda Africa Iyo waddanka Shiinaha.

Shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Ee U Dhexeeya Waddamada Qaaradda Afrika Iyo Shiinaha, Waxaa Lagaga Wada Hadlaa Xidhiidh Laba Geesood Ah Oo Ay Wada Yeeshaan Dalalka Qaaradda Iyo Dalweynaha Shiinaha.

Shirkan Oo Soconaya 3 Ilaa 4 Ta Bishan September, Ayaa Waxa Sannadkan Halkudhig Looga dhigay: Iskaashi Mutaqbal Xooggan,

Madaxda Dawladaha Afrika Ayaa Kulamo La Qaadanaya Madaxda Dawladda Shiinaha, Waxaana Ay Kala Sexeenayaan Heshiisyo, iyaga Oo La Kulmaya Maalgashadayaasha Dalka Shiinaha, Ee Doonaya In Ay Maalgashadaan Qaaradda Afrika.

Sannadkan Ayaa Ah Kii Saddexaad Ee Shirkan La Qabto, Labada Jeer Ee Hore Ayay Kala Dheceen Sannadihii 2006 Iyo 2015.

Shirkan Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galaya Guddoomiyaha Midawga Afrika, Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobay Iyo Waliba 27 Hay’Adood Oo Ka Socda Qaaradda Afrika, Kuwaas Oo Lagu Soo Casuumay Si Ay Isha Uga Hayaan Sida Uu Socdo Shirku.

Shirkan Ayaa Ah Mid Uu Shiinuhu Doonayo Inuu Ku Xoojiiyo Saamaynta Uu Ku Leeyahay Qaaradda Afrika.

Wefdi Wasiirro Ah Oo Uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Ka Qayb Galaya Shirkan, Waxaana ay Sheegeen In Dalka Shiinaha Ay Heshiisyo La Sexeexdeen, iyaga oo Heshiisyadaa Ku Sifeeyay Inuu Yahay Mid Horumar U Ah Soomaalya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga