Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha qaaradda Afrika ayaa la saftay oo taageeray ninka madaxda ka ah hay’adda caafimaadka dunida ee WHO, oo ay ku tilmaameen nin shaqo adag qabtay xili dunidu ay la tacaalayso caabuqa Covid-19.

Dr. Tedros ayaa kasoo jeeda dalka Itoobiya, waana qofkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee jagada ugu saraysa hay’adda caafimaadka dunida qabta.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Dor Tedros iyo hay’adda uu madaxda ka yahay ku eedeeyay in ay u janjeedhaan dhanka waddanka Shiinaha, wuxuuna ugu hanjabay in uu jari doono deeqda uu siiyo WHO.

Madaxweynayaasha wadamada Koonfurta Afrika, Rwanda, Namibia, gudoomiyaha Midawga Afrika iyo madax kale ayaa ammaanay Tedros oo ay sheegeen in uu ‘shaqo wacan qabtay.’

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga