Caabuqa dilaaga ah ee Covid-19 kana tirsan bahweynta xanuun-sidayaasha ee Coronavirus ayaa dalka Soomaaliya ku dilay qofkii koobaad, sida ay xaqiijisay wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya, Dr. Fawziyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in afar qof oo kale laga helay caabuqa, sila markaana uu dalku galay xaaladda faafitaanka bulshada dhexdeeda ee caabuqa Covid-19 maadaama dadka laga helay aanay u safrin dibadda Soomaaliya ee ay ahaayeen muwaadiniin gudaha ku suga.

Illaa laba ka mid ah hawlwadeenada caafimaadka ayaa sidoo kale laga helay caabuqa, sida ay wasiirku xustay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga