Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo joojiyay qaadashada casharadii dugsiyada sanad dugsiyeedka 2019-2020 kaas oo ay warbaahinta dawladdu sheegtay inuu ka hadhsan yahay wax ka yar sannad.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka hadlayay warbaahinta dawladda Soomaaliya, ayaa sheegay in ardayda lagu qiimayn doono sannadadii hore wixii ay shaqaysteen derejooyin, sidaasna ay isla garteen madaxda dalladaha waxbarashada iyo kuwa maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Wasiir Goodax Barre, ayaa xusay in ay weli bahda caafimaadku ku adkaysanayso inaan laysku iman karin, taasina ay kalliftay go’aankan.

Mar uu ka hadlayay waxa laga yeelayo macallimiinta iyo goobaha waxbarashada kharashkii ku bixi jiray, ayuu sheegay in laga wada shaqeeyo oo waalidiintu doorkooda ka qaataan.

Wasiir Goodax waxa uu sheegay in maanta loo baahan yahay in laysku tiirsado isagoo si gaar ah u xusay bahda waxbarashada, isagoo xusay in illaa hadda aan la hubin wakhti dugsiyada dib loogu noqon karo.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya waxa uu sheegay inay abuurayaan qaab kale oo ay ardayga waxbarashada ku gaadhsiiyaan, mar haddii aan la iman karin dugsigii.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga