Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ka tirsan madasha wadatashiga ee Somaliland ayaa sheegay in ay wali ku raad-joogaan dacwadii ay u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland, taas oo ay kaga cabanayeen muddo kordhinta loo sameeyay golaha wakiilada Somaliland oo muddo laba sanno ah loogu daray.

Mr. Yaasiin waxa uuu xusay in ay ka walaacsanyihiin madaxbanaanida garsoorka Somaliland oo uu sheegay in aanay hawshooda u madaxbanaanayn.

Warbaahinta SAAB ayuu si gaara ugula hadlay magaalada Hargeysa maanta, isagoo ka hadalay arimo kale oo ay ka mdi yihiin kulankii madaxweynaha iyo xisbiyada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga