Gabadh saxafiyad ah iska markaana u dhalatay dalka Ruushka ayaa shaqada laga eryay kadib markii ay su’aal waydiisay madaxweynaha Ruushka.

Alisa Yarovskaya ayaa madaxweyne Vladamir Putin waydiisay su’aal xili uu jeedinayay khudbadiisa sanad laha ah oo deegaan halbeedka waddanka ah ka dhacaysay.

Waxa ay waydiisay su’aal la xidhiidhay deegaanka ay kasoo jeedo, oo cimilada is bedelaysaa ay saamayn ku yeelatay.

Inkasta oo Mr. Putin uu su’aasha uga jawaabay, hadana waxa la sheegay in laga eryay shaqada maadaama la dhibsaday su’aasheeda. Waxa ka xumaaday maamulka warbaahinteeda oo dawladdu ay leedahay, sidaana waxay ku wayday shaqada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga