Safmarka Coronavirus, wuxuu bedelay dunida, in kabadan 2 Bilyan oo qof ayuu xannibay, dhacdooyinkii ciyaaraha, Muusiggii iyo mededaalladii iyo goobihii dadku kusoo xoomi jireen ayuu albaabbada u labaay.

Qiyaastii 17 Milyan oo qof ayuu asiibay xanuunku caalamka oo dhan, tiraduna kor ayay usii socotaa.

Muslimiinta caalamka, ayuu dhab u  taabtay xanuunku xilliyo kala duwan, shanta salaadood ee wadar-wadarta loogu tukado masaajidda, iyo bishii Ramadaan ee khayrka lahayd ka sakow, mid kamid ah shanta tiir ee diinta Islaamku ku dhisan tahay ayuu si wayn u saameeyay.

Cibaadada Xajka oo uu Ilaahay kaga warrmaya suuradaha Baqra, Ala-cimraan, Maa’idah, Ibraahim, Xajj iyo Saafaat, ayaa si wayn loo dhimay dadka gudanaya ee awooda.

Cibaadadan sannadalaha ah, ayaa bilaabantay maalintii Arbacadii, Malaayiin qof ayaa Maka u iman jiray ka qayb-qaadashadeeda, taas oo ka dhigtay isku imaantinka wayn ee dad isku yimaadaan adduunyada oo dhan.

Qiyaastii 2-3 Milyan ayaa sannad walba ka qaybqaadan jiray, balse Xajkan, 10,000 oo keliya ayay dawladdu ogoshahay cid dibadda ka timaaddana lama ogola.

Ugu yaraan hal-mar haddii uu qofku awoodo dhaqaale ahaan iyo caafimaad ahaanba, waa inuu gutaa cibaadada xajka, balse wasaaradda Xajka iyo Cumaradda dawladda Sacuudigu waxay difaacday qorshaheeda dadka lagu dhimayo, iyadoo sheegtay in badqabka iyo caafimaadka bulshadu yahay layskama indha-tiraan, wasaaraddu waxay dooddeeda ku cuslaysay aayado ay kasoo xigatay Qur’aanka kariimka ah iyo xadiisyadii nebi Muxammed Naxariis iyo nabadgeliyo korkiisa ha ahaatee.

Kuwaasi oo dhiirrigelinaya inaan nafahu halaagga doonan oo lagu dedaalo badqabka iyo caafimaad-ilaalinta.

Su’aashase is waydiinta mudan ayaa ah, hore maloo dhimay dadka imanaya Xajka amaba laftiisaba albaabbada maloo laabay?

Jawaabtu waa Haa, marar aan aad u badnayn ayaa la xidhay Xajka, kuwaasi oo loo dhimay cudurro faafay amaba duufaanno siyaasadeed dartood.

Tusaaleyaasha loo soo qaadan karo arrintaasna, waxaa kamid ah:

Markii Qaraamidada oo katirsan Shiicadu ay soo weerareen magaalada Maka, gebi ahaanba waa la joojiyay Xajka, waxay qaateen Xajaru-aswadka’’ amaba dhagaxa madow ee kabcada iyagoo wasakheeyay oo xurmo-darreeyay biyaha Samsamka.

Kadib weerarkaas, xajka waa la hakiyay illaa dhagaxii madoobaa dib loogu soo celiyay Maka, qiyaastii 20 sannadood.

Qarnigii 19aad Cholera-hii dillaacay, wuxuu dhawrjeer hakiyay xajka, waxaana kamid ahaa sannadihii 1837-kii iyo 1846-kii.

Sannadkii 1979-kii 400-500 oo nin oo Sacuudiyaan ah, ayaa qabsaday Masjidka Xaramka, taasi oo sababtay in albaabbada loo laabo muddo laba todobaad ah, nimanka soo weeraray masaajidka Xaramka waxaa hoggaaminayay askari hore uga tirsanaa ciidamada Sacuudiga oo la odhan jiray Juhayman ibn Muhammad, iyadoo dhacdooyinka kale ee saamaynta ku yeeshay Xajkana ay kamid ahaayeen, hanjabaaddii Iraan ee sannadkii 1988-1990-kii iyo xanuunkii ka dillaacay galbeedka Afrika ee Ebola Virus.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga