Ugu yaraan afar qof ayaa geeryooday halka ay dhaawacmeen 28 kale, kadib isku dhac dhex maray ciidamada ammaanka Pakistan iyo dibad-baxayaal cadhaysan magaalada dhacda galbeedka dalkaasi ee Chaman sida ay xaqiijieen masuuliyiin deegaanka ahi.

Isku dhaca kumannaan dibad-baxayaal ah iyo xoogagga ammaanka ayaa bilaabmay xilli hore Khamiistii, xili ay dadkan mudaharaadayaa dalbanayeen in dib loo furo bar Kaantarool oo ku taalla halkaasi.

Wararka ka imanaya Chaman, ayaa sheegaya in mudaharaadeyaashu ay ku xoomeen dhismeyaashii dalwaddu ku lahayd halkaasi, iyadoo la sheegay in dadka geeryooday ay kamid ahayd haweenay.

Masuul u hadlay laamaha ammaanku waxaa uu sheegay in rabashado cusub ay ka bilaabmeen deegaankaas, xoogagga ammaankuna isku dayeen inay mudaharaadeyaasha ka joojiyaan dhaawac ay u gaystaan xarumaha dawladda, taasina buu yidhi ay sababtay dhaawaca saddex kamid ah ciidamada ammaanka.

Bartan Kaantarool ee ku taalla magaalada Chaman ayaa ahayd mid kamid ah meelaha ugu waawayn ee ay dadku iskaga kala gudbaan dalalka Pakistan iyo Afganistan, inkasta oo loo ogolaa isku gudubka shaqaalaha iyo dadka deegaanka ee bartan Kaantarool, ayay haddana dalwaddu waxa ay sheegtay inay u joojisay sababo la xidhiidha kuwo amni iyo faafista xanuunka Coronavirus, oo si wayn ugu faafayay adduunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga