Xanuunka Covid-19 wuxuu mar kale ku fidayaa wadamada Maraykanka, Brazil iyo Australia, iyadoo dad badani ay rejaynayeen in noloshoodii caadiga ahayd ay soo laabato.

Tirada kiisaska la helayo iyo dhimashada ayaa kordhaysa. In ka badan 700 oo kiis ayaa 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay oo kaliya laga diwaan galiyay magaalooyin Australia, iyadoo kor maraysa tiradii maalin ka hor la diwaan galiyay. Magaalada Melbourne ayaa xanuunku uu imika si ba’an ugu dhuftay.

Labada waddan ee mashaqada ugu badan qaba waa Maraykanka iyo Brazil, waxay iyaguna kusoo waramayaan korodh maalinle ah.

Maraykanka waxay dhimashadu dhaaftay 150,000 oo qof, waxaana xaaladaha ugu abdani ay ka imanayaan gobolada Florida, California, iyo Texas.

Dalka Brazil in ka badan 1500 oo qof ayaa maalintii Arbacada ku dhintay Covid-19, iyadoo tirada todobaadkan dhimatay dalkaas ka dhigaysa in ku dhaw 8000 oo qof. 69,000 oo kiis ayaa hal maalin la diwaan galiyay, dawladda ayaana ka walaacsan sida uu xaalku noqon doono xili ay cisbitaaladu buux dhaagfeen.

Wadamada Hindiya, Ruushka, Hon Kong, Poland, iyo Yukrayn ayaa iyaguna sheegaya in dadka xanuunku uu ku dhacay ay si maalinle ah u kordhayaan wadamadooda.

Guud ahaan dunida 17million oo qof ayuu ku dhacay xanuunka Covid-19, waxa ka bogsaday 9.9 mllion oo qof, halka in ka badan 666,000 oo qof ay u dhinteen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga