Beesha Caalamka ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda qaska siaasadeed ee ka taagan qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal ay si wada jira ugu saxeexan yihiin uru goboleedka IGAD, Midawga Afrika,Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub ayaa lagu sheegay qodobo ay Beesha Caalamku ku talinayso. Waxay sheegeen in ay ka walaacasanyihiin xaaladda Soomaaliya ay imika ku sugantahay.

Beesha caalamku waxay warkoodan cusub ku xuseen in ay dhinacyada mar kale ugu baaqayaan in miiska wada hadalka layskugu yimaado. Waxay intaa ku dareen in muddo kordhin iyo doorashooyin is barbar socda aanay aqbalahayn.

Beesha Caalamku waxay bogaadisay dedaalada socda ee dhinacyada la iskugu soo dhawaynayo si ay xal uga gaadhaan doorashooyinka iyo muranka ka taagan hanaanka doorashada.

Is-mari-waaga taagan ayay sidoo kael sheegeen in uu halis ku yahay deganaanshaha iyo ammaanka Soomaaliya.

Ugu danbayn, Beesha Caalamku waxay ugu baaqday hogaamiyayaasha in ay ka fogaadaan wixii hurinaya xiisadda iyo in ay wada hadaladu burburaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga