Kim Jong Un hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa farriin dhiilo leh u diray shacabkiisa, isagoo ka digaya xaaladda adag ee dalkiisu uu wajahayo, taas oo khubaradu ay hore uga digtay.

Isagoo ka hadlaya xaflad uu xisbigiisu qabsaday Kim wuxuu dhibaatooyinka dalkiisa barbar dhigay kuna tusaaleeyay abaartii lagu hoobtay ee dadka badani ay ku dhinteen ee Waqooyiga Kuuriya haleeshay sagaashamaadkii.

Waqooyiga Kuuriya waxay xidhiidh ganacsi hadda la leedahay dalka Shiinaha oo kaliya, waa meesha kaliya ee ay ka helaan badeecadaha ay u baahanyihiin.

Cuna qabataynta dhaqaale ee saaran dalkan dhaca bariga fog ee qaaradda Asia ayaa curyaamisay dhaqaalaha dalka, ganacsiga iyo xidhiidhka uu la lahaa dawladaha kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga