Walaacyo joogto ah ayaa soo baxaya kadib markii Maraykanku uu sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo gudaha dalka Afkaanistaan.

Bisha September ee sanadkan ayuu Maraykanku xusay in uu dhammaan milatarigiisa kala baxayo dalkan ku yaala badhtamaha koonfureed ee qaaradda Asia, arintaan oo wiiqi karta aeoodda xukuumadda isla markaana fursad u noqon karta kooxaha uu Maraykanku la daagalamayay.

11-ka bisha September ayaa askar ka badan 10,000 oo Ameeriakan ahi ay kabixi doonaan Afkaanistaan, sida lagasoo xigtay saraakiisha Maraykanka.

Bixitaanka ciidamada Maraykanka ayaa udub dhexaad u ahaa heshiis uu Maraykanku la galay kooxda Taliban kaas nabad lagaga dhalinayay gudaha dalka Afkaanistaan, balse khubarada ayaa aaminsan in dano ay soo dadajiyeen in Maraykanku uu soo afjaro dagaalkiisa Afkaanistaan.

Khubarada ayaa aaminsan ayaa kooxaha ay ka mid tahay Daalibaan ay heli doonaan awood cusub iyagoo dhul badan la wareegi doona, kadib bixitaanka ciidamada Maraykanka.

Heshiiska uu Maraykanku la galay Daalibaan waa mid nabadeed, balse aragtiyaha kooxaha Daalibaan ku jirto ayaa iskugusoo buyo shubanaya in ay hantaan talada Kabul.

Daalibaan waxay mar ka arimin jirtay Afkaanistaan intaan laga dhigin falllaagada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga