Ciyaaryahanka Lionel Messi iyo tababaraha naadiga Manchester City ee Pep Guardiola ayaa midkiiba uu €1m ugu deeqay sidii loola tacaali lahaa caabuqa dilaaga ah ee Covid-19.

Addunkan lacageed ayaa la gaadhsiin doonaa hay’adaha arimaha caafimaadka ka shaqaynaya iyadoo badi wax lagaga qaban doono waddanka Isbaanishka oo hadda uu caabuqu kumanaan qof ku dilay.

Pep Guardiola ayaa kasoo jeeda dalka Spain halka Lionel Messi uu kasoo jeedo dalka Arjantiin balse wuxuu tan iyo yaraantiisii u dheeli jiray kooxda Barcelona ee ka dheesha horyaalka Isbaanishka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga