Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay xidhayso dhamaan xuduudaha lagasoo galo dalka oo dhan, sida ay sheegeen gudida ka-hortaga caabuqa Covid-19.

Somaliland ayaa rabta in ay tallaabadan kaga hor tagto faafidda caabuqa Coronavirus oo hadda kiisas badan lagu arkay wadamada Geeska Afrika ee Somaliland la jaarka ah sida Itoobiya oo tirada dadka caabuqa qabaa sii kordhayaan.

Maalinta berri ah ayuu dhaqan gelayaa amarka lagu xidhayo xuduudaha dalku, waxaana reeban in cidi ay soo gasho gudaha Somaliland.

Duulimaadyo ka yimi dhanka Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay yimi magaalada Hargeysa, iyadoo xukuumaddu hadda sheegaysa in dadka yimi waddanka muddo 14 maalmood ah la galin doono xaalad karantiin ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga