Xilli hore maanta oo Jimce, Maraykanku wuxuu ku dilay gudaha dalka Ciraaq hoggaamiye sare oo ka tirsan ciidanka ilaallada kacaanka isagoo sidoo kale hoggaamiye ka ahaa cutubka sida gaarka ah u tababaran ee layidhaa ”Quds”, ninkaas oo lagu magacaabi jiray Qaasim Sulaymaani.

Qaasim Sulaymaani ayaa ahaa nin laga jecelyahay waddankaas, kaasoo summad iyo astaan u ahaa difaacaddii danaha Iiraan ee gudaha iyo dibaddaba.

Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iiraan Aayatullaahi Khumayni oo hadlay, ayaa sheegay in ”kuwii dilay Sulaymaani ay la kulmi doonaan aargoosi daran”, iyadoo dilkiisu uu cadho ka dhaliyay gudaha dalka Iiraan.

Boqollaal qof ayaa ku mudaharaadaya waddooyinka caasimadda dalkaas ee Tehraan, iyadoo la gubay calanka dalka Maraykanka.

Maraykanka ayaa muwaadiniintiisa ugu baaqay inay ka baxaan dalka Ciraaq sida ugu dhakhsaha badan, iyadoo raysal-wasaaraha dalka Israa’iil Netanyaahu uu sheegay in Maraykanka la jiraan oo uu sida Israa’iil Maraykanku xaq u leeyahay inuu naftiisa difaaco.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga