Maraykanka ayaa weerar gantaal hawada sare kaga soo ganay kolanyo ay leeyihiin maleeshiyooyinka ay Iiraan gacan-saarka leeyihiin, maalin uun kadib markii uu dilay Generaal-kii awoodda badnaa ee reer Iiraan Major General Qaasim Sulaymaani.

Weerarka uu Maraykanku qaaday, ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa ku naf-waayay ugu yaraan lix qof.

Telefishanka dawladda Ciraaq ayaa sheegay inuu weerarku ka dhacay waddada Taji ee waqooyiga magaalada Baqdaad, balse TV-ga dawladdu muu sheegin cidda bartilmaameedku ahaa.

Warar laga soo xigtay ciidamada Ciraaqiyiinta ayaa sheegay in weerarkan cusub ee Maraykanka ay ku naf waayeen lix qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

War kasoo baxay Isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda ISIS, ayaa dhankooda sheegay inaanay iyagu fulin weerarka dhanka cirka ah ee xerada Taji, balse Telefishanka Ciraaq ayaa sheegay inuu Maraykanku weerarka fuliyay.

Warar madax-bannaan ayaa iyana dhankooda sheegay inay weerarkaa ku naf-waayeen shaqaale caafimaad oo saarnaa kolayada baabuurta ah.

Guud ahaan xaaladda bariga dhexe ayaa kasii daraysa, kadib dilkii Maraykanku u gaystay Janaraalka reer Iiraan, Iiraan ayaa sheegtay inay u aargudi doonto, Maraykankuna wuxuu bilaabay kusoo daad-guraynta ciidamadiisa bariga dhexe.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga