Baarlamaanka waddanka Turkiga, ayaa meel mariyay hindise-sharciyeed kaasoo loogu daad-guraynayo ciidamada dalkaas waddanka Liibiya si ay u taageeraan xukuumadda taagta daran ee uu adduunku aqoonsanyahay.

Daad-guraynta ciidanka Turkiga ee waddanka Liibiya, ayaa waddada u xaadhi doonta gacansiin buuxda oo uu Turkigu la garabgalo dawladdaas. 

Afhayeenka Baarlamaanka dalka Turkiga Mustafa Sentop, ayaa sheegay maalintii khamiista ahayd in la ansixiyay hindise-sharciyeedkan, inkasta oo ay kasoo horjeedsadeen xubnaha axsaabta mucaaradka ahi.

Dawladda Turkiga, ayaan faahfaahin ka bixin habka daad-guraynta ciidanka, balse baarlamaanka ayaa xukuumadda madaxwayne Erdogan u ogolaatay inay iyadu qiimayso xaaladda oo ay qaadi karto tallaabooyinka ku habboon hawl-galka.

Xisbiga Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan AK party iyo xulafadiisa ayaa haysta aqlabiyadda baarlamaanka waddanka Turkiga, kuwaasoo markii horeba la filayay in meelmarin doonaan dalabka xukuumadda madaxwayne Erdogan ee ku aaddan gacansiinta xukuumadda aan cagaha badan ku taagnayn ee Tripoli, taasoo weerar ba’an kala kulmaysa ninka Militariga hore u ahaan jiran ee Khalifa Haftar, kaasoo ay dabada ka riixayaan dawlado reer galbeed, Sucuudiga iyo Imraadku.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga